Baarlamanka Ethiopia oo qaaday tallaabo ka dartay xiisadda Tigray iyo Ethiopia oo burbur ku dhow

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Ethiopia ayaa u codeeyey in dowladda ay xiriirka u jarto hogaamiyayaasha gobolka waqooyi ee Tigray, kaasi oo qabtay doorasho uusan raali ka ahayn ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Go’aanka oo shalay ay qaateen labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa kasii daraya xiriirka burburay ee Abiy Ahmed iyo xisbiga Tigrayga ee TPLF, kaasi oo hagayey siyaasadda Ethiopia muddo ka badan 20 sano ka hor inta aanu Abiy la dooran 2018.

Go’aanka xiriirka loogu jaray saraakiisha dowladda Tigrayga ayaan saameyn doonin mas’uuliyiinta dowladaha hoose ee gobolka ee adeegyada aas-aasiga ah siiya shacabka.

TPLF ayaa hoggaaminayey halgankii xukunka logu tuuray dowladdiisa Mingistu 1991-kii, waxaana kadib ay awood iyo xulufueysi ay ku maamulayeen Ethiopia.

Shalay ayaa xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga waxaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka.

Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October.

Maamulka Tigrayga ayaa intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya!

Amarkaasi ayaa sida la sheegayo waxa uu kasoo baxay xisbiga xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF), kadib markii ay iskugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan xaalada guud.

Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus.

Tallaabada ay qaadeen TPLF iyo jawaabta baarlamanka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa inay dedejiso burburka Ethiopia iyo in gobolka Tigray uu ka go’o dalka intiisa kale.