Baarlamanka Puntland oo war kasoo saaray khilaafka Saciid Deni iyo Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka ka dhex dilaacay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kaasoo bilowday markii uu Deni ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada hadleen, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka.

Wuxuu ku eedeeyey inuu qaaday tallaabooyin uu xilka kaga qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasoo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

“Ballanta waxay aheyd in Maanta oo Sabti ah aan isugu imaano Garoowe si aan horey ugu sii wadno wada-hadalada aan dooneyno inaan isugu soo dhaweynayo labada mas’uul. Runtii waxaad moodaa wareegtadii kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka inay xagal ddaacisay waan-waantii aa dhinaca ka aheyn,” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis. https://thedentallounge.com/

Hadalka barlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan magaalada Boosaaso ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay xil ka qaadista uu Axmed Karaash sameeyay, iyadoo ciidamo badan lagu daad gureeyay xarumaha dowliga ah ee Boosaaso, si looga hortago inay dhaqan gasho tallaabooyinka Axmed Karaash.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay Karaash u adeegsaneyso si ay ugu dhaawacdo musharaxnimada Saciid Deni, waxayna xogaha sheegayaan in madaxweyne ku xigeenka uu weli ku guuleysan la’yahay inuu gacanta ku dhigo maamulka Puntland.

Waxyaabaha Saciid Deni ka saaciday inaan weli lagala wareegin awooda maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah inuu gacanta ku heysto guddoona Baarlamaanka maamulkaas oo qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan ololahiisa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 10 Maalin, wuxuuna Saciid Deni qorsheenayaa inuu dib ugu laabto Garoowe haddii uu waayo kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.