Bahlaawi oo ku adkeystay inuusan xilka wareejineyn iyo waraaq ka dhan ah oo lasoo saaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa dhawaan shaqo joojin ku smeeyey  agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta   C/risaaq Yuusuf Bahlaawi.

Tan iyo markaas waxaa jiro dagaal hoose oo ka dhashay inuu Bahlaawi wareeji xilka maadaama uu sheegay inay sharci darro ah tahay inuu wasiir xilka ka qaado, isla markaasna wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay waxyaabihii lagu eedeeyey.

Muddo 3 berri ayaa waxaa socday wadahadal u dhaxeeyey wasiirka Warfaafinta iyo Bahlaawi, wuxuuna ugu dambeyn Bahlaawi ku adkeystay inuusan xilkaas wareejin doonin ilaa laga soo maro wadada sharciga ah.

Xiisada ayaa markii dambe cirka isku shareertay ilaa uu wasiirka waraaq looga mamnuucayo inuu wasaarado soo galo laga dhigo irrida hore.

Xeer illaaliyaha Qaranka ayaa kiiska gacanta ku haya oo isna ku guuleysan waayay inuu qanciyo, waxaana la sheegay agaasime Bahlaawi oo 10 sano ku dhowaad xilka soo hayay uu awood sheeganayo.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda lasoo saaray