Muqdisho (Casimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan shir lagu wadahadal siinayo maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe iyo maamulka Galmudug si doorashada Galmudug loogu dhiso maamul mideysan.
Mr Carabeey ayaa sheegay in maalinta khamiista ah la filayo in shirka labada maamul uu ka furmo magaalada Muqdisho, islamarkaana la gaari doono xal buuxa oo shacabka labada gobol ay la dhici doonaan.
“Safarkeena wuxuu ku saabsanaa inaan howlo badan halkaan ka qaban doono, waxaana filaynaa in maalinta Khamiista howsha ugu adag aan qabano, waxaan sugeynaa dhanka kale oo loo yeerayo”ayuu yiri Carabeey.
Dhinaca kale wuxuu balanqaaday dhankooda inay dhaqan gelin doonaan wax walbaa oo kasoo baxa shirka labada, ka hor doorashada madaxweynaha Galmudug.
“Balanta waxay tahay inaan dhaqan gelino waxyaabaha lagu heshiiyo ka hor doorashada oo dhaceyso 30-ka bishaan, dhankeenna waan dhaqan gelineynaa waxyaabaha lagu heshiiyo, walow aanan ogeyn waxa ay la imaaa doonaan”ayuu yiri Carabeey.
Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaal lagu mideynayo shacabka gobolada dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]