Banaan-bax ka dhan ah HirShabelle oo ka dhacay degmada BUULO-BURTE

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka banaanbax uu ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cali Caadle oo la sheegay in saacadaha soo socda uu safar ku tagi doono magaaladaasi.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuwaas oo gubayey taayaro, kuna qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka HirShabelle.

Sidoo kale dibadbaxaan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shacabku ay diidan yihiin maamul cusub oo dhowaan loo magacaabay degmadaasi, iyadoona dibadbaxu sii xoogeystay, markii Amisom ay xirtay saddex oday dhaqameed oo ka mid ah waxgaradka deegaanka.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dibadbaxaani, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, kadib markii ay rasaaseeyeen ciidamada Amisom.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana Buulo-Burte ku sugan wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan HirShabelle oo ku howlan xalinta xiisadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad salka ku heysay maamulka ay ka taagneyd degmada Buulo-Burte, taas oo u dhexeysa waxgaradka degmadaasi iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.