Banka Adduunka oo aqbaly codsi ay u jeedisay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka qaaday in Bankiga Adduunka uu aqbalay codsi ay u jeedisay dowladda Soomaaliya, oo ah in loo iibiyo qalabka lagula dagaalo cudurka Coronavirus.

“Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan,” ayuu yiri Kheyre oo xalay khudbad uu shacabka kula hadlay ka jeediyey xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawimaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay weydiisteen dowladaha Yurub iyo Maraykankaba sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Kheyre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19.

Kheyre ayaa dhinaca kale mar kale faray Ganacsatada dalka inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta.