Sida ragga iyo dumarka ay ugu kala badan yihiin kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay xogta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xog ay soo bandhigtay ku muujisay in ragga Soomaaliyeed ee cudurka uu ku dhacay ay aad uga badan yihiin dumarka, ayada oo 70% kiisaska dalka laga helay ay yihiin rag, halka dumarka ay ka yihiin 30%.

80-ka kiis ee Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyey ayaa 70 ka mid ah ay yihiin rag, halka 10-ka kale ay yihiin dumar. Guud ahaan 222 qof ayaa cudurkan laga baaray dalka, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka, waxaana la sugayaa natiijada 61 qof oo maanta la dhaacin doono.

64% dadka cudurka laga helay ee Soomaaliya, oo ah 51 qof, ayaa da’doodu waxa ay ka hooseysaa 40 jirka, ayada oo 60% ama 48 qof ay yihiin dad da’doodu u dhaxeyso 20-40, halka 4% ama 3 qof ay yihiin dad ka yar 20 jirka.

36% kiisaska ama 29 qof ayaa ah dad da’doodu ka koreyso 40 jirka, ayada oo 20% ama 16 qof ay yihiin dad u dhaxeeya 40-60 jir, halka 16% ama 13 qof ay yihiin dad ka weyn 60 jirka.

Inta badan kiisaska dalka ama 91%, oo u dhiganta 73 qof, ayaa laga diiwaan geliyey magaalada Muqdisho.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu xakameynayo cudurkaas, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay mira dhali doonaan dadaallada iyo qorshaha lagu doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.