Suurta-gal ma tahay in uu madaxweyne FARMAAJO ‘qaatay’ mashiin neefsasho?

Qalinka markii la qasbo waxay isku dhacaan caqliga. Waxaa la yiri weriyaa qoray in Madaxweynaha Soomaaliya “qaatay” mashiinka neefsashada, oo weliba mashiinku wuxuu ahaa mid lagu helay “deeq” ahaan.

In warkaasi caqligu diidayo waxaa daliil u ah su’aalaha ka dhalanayo ee mudan qancinta akhristaha:

1 – Maxaa Madaxweynaha ku kallifayo qaadashada hal mashiin oo weliba “deeq” ah isagoo maamulo dal dhan iyo dhaqaalihiisa? Iyadoo weliba ay miisaaniyadda dalka sannad walba sii kordhayso? Tusaale: sannadka 2017 oo ay miisaaniyaddu aheyd $260; sannadka 2018 oo ay noqotay $274 milyan; sannadka 2019 oo ay u sii korodhay $344 milyan; iyo haatan 2020 oo ay marayso $469.5 milyan.

2 – Haddiiba ay dhacdo inuu qaadanayo, muxuu Madaxweynuhu isu bahdilayaa oo uga daba tegayaa mashiin cisbitaal la geeyay isagooba heli karay in uu mashiinkaas leexsado ka hor intaanba cisbitaalka la geyn? Ka hor intaanba xitaa la ogaan in mashiinkaasi dalka la keenay?

3 – Teeda kale, miyuusan Madaxweynuhu soo gadan karin mashiinkaas?

Nasiib-darro, markuu qalinku qancin waayo caqliga, cidda dhibku gaarayso ma ahan qalinka ee waa qoraaga. Wuxuuna qoraagaas lumiyaa akhristayaal badan.

Wabillaahi Towfiiq,

Cabdullaahi Janno – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.janno@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid