BARAKAC ka billowday Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Barakac horleh ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu shalay gelinkii dambe ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in biyo fara badan ay galeen xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne.

Shacabka ku noolaa xaafadahaasi ayaa isaga barakacay guryahooda, kadib markii ay fatahaad ku dhufatay xarunta gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay barakaca haatan ka socda Beledweyne iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Haddii aan ka hadlo xaafadeyda aniga iyo saddex qoys oo wada daganeyn waan kasoo barakacnay xaafadda 80% way qaxeen caawana biyaha waa nagu saa’id,” ayuu yiri.

Sidoo kale Duniyo Ibraahim Xasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegtay in wabiga uu karkaaraha soo jabsaday, kadibna biyaha ay soo galeen xaafaddooda.

“Waxaan daganahay wabiga hoostiisa waa bad waa buuxdaa hadda ayaan ku tusin karnaa biyaha beryahaanba way soo billowdeen,” ayay tiri Hooyo Duniyo Ibraahim Xasan.

Waxaa kale oo ay Duniyo Ibraahim intaasi sii raacisay “Meeshii taag ah oo ay dadka usii dhowaadaan ayaan tageynaa”.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqd qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.