Garoowe (Caasimada Online) Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatada ka dhalatay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay xeebaha Bari ee Soomaliya, ayaa Laanta afka Soomaliga ee BBC-da waxaa u suurtagashay in ay la hadasho Aabe ay dhibaato weyn soo gaarsiiyeen musiibadaas.
Waxaa ka dhintay lix carruur ah waxaana weli aanan la ogayn halka jaan iyo cirib ay dhigtay hooyadii dhashay caruurta oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar, sidoo kale waxaa dhaafay xoolihii uu dhaqanayay.
Aabahan oo lagu magacaabo Axmed Xasan ayaa sheegay in ay degganaayeen goob biyo mareen ah, wuxuu sheegay in uu isaga maqnaa oo uu kaxeeyay ari uu lahaa oo uu geeyay goob taag ah.
Wuxuu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda la soo daristay balse wuxuu muujiyay kalsooni ah in uu Alle aamin san yahay.
Wuxuu kaloo sheegay in uu shaley duugay carruurta uga dhimmatay musiibada ku dhufatay deegannadii ay ku noolaayeen.
“Khasaaro naf iyo maal ayaa na gaartay, Aabahay isana wixii geel ah ee uu lahaa waa ay ka baa’been, waxaana dhagaha igu soo dhacaya in 25 qof ay ku dhinteen deeganka aan ku noolnahay” ayuu yiri Aabe Axmed Xasan.
Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaarasha ka dashay dhibaatada ka dhalatay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay xeebaha Bari ee Soomaliya.
Hey’adda ICRC ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gurmad gaarsiin doonto goobaha ay dhibaatada ka dhacday balse waxa ay sheegtay in aysan goobahaas gaari karin maadama ay jidadka go’an yihiin xargihii Taleefonada ay go’een.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

