31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: DFS oo Wafdi u direysa Puntland balan qaadna sameysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Xukuumada Somalia waxay balan qaaday in Hal milyan oo doolar 1000,000$ ay ku caawin doonto dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhibaatadan ka dhacday qeybo ka mid ah Puntland gaara ahaan inta u dhexeysa Gobolada Bari iyo Nugaal.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumada Somalia oo qeyb ka ah guddi xukuumada ay u xilsaartay arinta Duufaanta ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland ayaa sheegay inay dhowaan halkaasi gaari doonaan .

C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka arimaha gudaha Somalia wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku gaari doonaan meelaha ay duufaanadu ku dhifteen ee Puntland ka tirsan si ay u gar gaaraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay .

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay Duufaanada ku dhiftay deegaanada Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay mid musiibo qaran ah waxaana uu sheegay inay dhexda u xiran doonaan caawinta dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay .

Xasan Sheekh ayaa u taciyadeeyay dhamaan dadkii ku waxyeeloobay duufaantaasi waxaana uu shaaca kaqaaday in shacabka reer Puntland ay la qeybsanayaan dhibaatada kasoo gaartay Duufaanta Roobabka iyo dabelha wata ee ku dhiftaye qeybo ka mid ah Puntland.

Duufaantan ku dhifatay Deegaanada Maamulka Puntland ayaa ha mid marka laga soo gudbo qasaaraha nafeed ay geystay , kala xirtay gobolada Bari iyo Nugaal .

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Guadaha Somalia

Halkaan ka dhageyso Wasiirka arimaha Gudaha Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News