Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay shirar ay ku kala qabteen Villa Somalia Madaxweynaah Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa.
Shirarkan oo la islahaa waxaa looga hadli doonaa arrinta ku saabsan is-casilaada uu madaxweynaha weydiistay ra’iisal wasaaraha ayaa haddana waxaa looga hadlay arrin ka badallan.
Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ugu horreyn wuxuuna sheegay in uu saxaafadda u sheegayo in uu ka hadlaayo duufaanta roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda magacaabi doonto guddi ay ku jiraan wasiiro kuwaasoo u ambabixi doona deegannada Puntland soona qiimeen doona xaaladda musiibadda.
Intaas kaddib waxaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiska ra’iisal wasaaraha , Mudane Cabdi Faarax Saacid iyo wasiirka arrimaha gudaha, waxa ay ka hadleen in la magacaabay guddi wax ka qaban doona arrinta musiibada ee ku dhufatay deegannada Puntland.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay duufaata, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay gargaar u diraan dadkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka oo garab taagan ra’iisal wasaaraha ayaa akhriyay go’aanka ka soo baxay shirka golaha wasiiradda maanta.
Wuxuu ku dhawaaqay lacag Hal Milyan oo dollaar oo Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqday Puntland, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socoda ay wafdi dowladda u diri doonto Puntland.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha shirkooda jaraa’id kuma soo hadal qaadin khilaafka soo kala dhex galay labadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

