Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda diyaarinta Mooshin ka dhan ah Xukuumada Somalia ee uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre.
Mooshinkani ayaa waxaa wada Seddex meelood laba meel oo ka tirsan baarlamaanka Somalia, kuwaa oo dhaliil ka keenay hanaanka ay u shaqeyso Xukuumada.
Mooshinka oo iminka gaarsiisan heerkii ugu danbeeyay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay faragalin ku sameeyen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee ka howlgala Muqdisho.
Wakiilada ayaa bilaabay in arrinka Mooshinka ay kala hadlaan Xildhibaanada ugu tunka weyn kuwaa oo la rumeysan yahay inay horkacayaan Mooshinka.
Qorshaha Wakiilada ayaa ah in xal waara laga gaaro Mooshinka oo u muuqda mid culeys weyn u keenaya howlaha Xukuumada iyo Guud ahaan shaqooyinka kale ee dowlada.
Sidoo kale, Wakiilada ayaa xusul duub ugu jira sida ay ku kala dhantaali lahaayen qorshaha Mooshinka, waxa ayna garab lixaad leh u muujinayaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada.
Ma cadda sida uu noqon doono xalka ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana suuragal noqon karta in Xildhibaanada ay ku kala jabaan faragalinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

