Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka gaabsaday dalab kaga yimidy dhanka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre.
Dalabka Ra’isul wasaare Kheyre ee uu ka biya diiday Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xal u helida Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka gaabsaday inuu faragalin ku sameeyo Mooshinka, maadaama garabka Mooshin wadayaasha ay yihiin saaxiibada Jawaari.
Jawaari waxa uu Mr Kheyre u cadeeyay inaanu jirin boos kaga banaan Mooshinka, isla markaana uu yahay mid banaan joog ka ah howlaha ku xeeran Mooshinka ee ka socda magaalada Muqdisho.
Jawaari waxa uu Kheyre uga cudur daartay inuu faragaliyo Mooshinka, waxa uuna taa bedelkeeda usoo jeediyay inuu ka shaqeeyo kasbashada Mooshin wadayaasha, ka hor inta aan la gaarin xiliga uu furmi lahaa Kalfadhiga.
Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Jawaari qudhiisa uu waxbadan ka ogyahay Mooshinka, isla markaana wada shaqeyn dhow la leeyahay Xildhibaanada ku bahoobay howlaha Mooshinka.
Kheyre iyo Jawaari ayaa sidoo kale waayadaani ahaa kuwo uu ka dhexeeyay Khilaaf Siyaasadeed, waxaana jira warar sheegaya in Mooshinkani abaabulkiisa uu markiisa hore lahaa Jawaari.
Docda kale, waxaan caga wanaagsan ku taagneyn Xildhibaanada Mooshinka wada, waxaana mar waliba suuragal ah in isbedel uu ku imaado qorshahooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

