Beesha Caalamka oo Hanjabaad u dirtay Axmed Siilaanyo & Xisbigiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Beesha Caalamka ayaa walaac hor leh ka muujisay go’aanka Madaxweynaha maamulka Somaliland uu ku kala qaadayo doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan deegaanada maamulka.

Beesha Caalamku waxa ay sheegtay in go’aanka Axmed Siilaanyo uu Somaliland u abuuri doono Carqalad Siyaasadeed.

Michelle Cervone d’Urso oo ah Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegay in go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashadii golaha wakiilada, uu wiiqayo kalsoonidii beesha caalamka.

Michelle Cervone d’Urso wuxuu sheegay in la joogo wakhtigii shacabka Somaliland la siin lahaa fursad ay ku codeeyaan doorashada wakhtigii loo qoondeeyay.

Michelle waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka aysan Axmed Siilaanyo la qabin go’aankaasi waxa uuna farta ku goday in go’aanka noocaasi ah uu caburin Siyaasadeed u keeni doono guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa ku mideysan Axsaabta Siyaasadda.

”Haddii ay dhacdo in Siilaanyo uu ka dhabeeyo go’aankiisa Beesha Caalamka dib ayay uga fiirsan doontaa is garabtaaga Somaliland, waayo kama raali noqon doono in Somaliland lagu hago rabitaanka shaqsi gaar ah”

”Haa waa sax go’aanka noocaasi ah waxa uu dhaawac weyn u geysan doonaa kalsoonidii ay Beesha Caalamka ku qabtay Somaliland waxaa muhiim noo ah in laga hortago wax waliba oo carqalad u horseedi kara xasiloonida Somalia, gaar ahaan Somaliland”

”Niyad wanaag ayaanu ku taageeri jirnay doorashooyinka si weyna ugu maalgelin jirnay, waxa aynu u soo dhabar adaygnay baarlaman aan la soo dooran muddo toban sano ah. Tani waxa ay hagardaamo ku noqonaysaa geeddi socodkii dimuqraadiyadaynta ee aanu soo habaynay tan iyo maalintii ay dhalatay Somaliland”

”Waxaa la joogaa waqtigii aynu dadka siin lahayn fursad ay ku codeeyaan doorashada waqtigii loo qoondeeyey haddii lagu adkeysto go’aanka Siilaanyo anaguna waxaan qaadan doonaa mid lamid ah go’aankaasi”

”Talaadaani waxa ay hoostaala Xisbiga talada Somaliland haya haddii ay la qabaan Siilaanyo go’aankaasi waa inay cadeeyan mowqifkooda”

Michelle Cervone d’Urso, waxa uu ku celcelshay in Beesha Caalamku aysan unugleyn go’aanka uu la daaladhacaayo Siilaanyo waxa uuna ballanqaaday in arrinku uu sidaa ka duwanaan doono, haddii la dhaqan galsho go’aanka kala qaadista doorashooyinka Somaliland.

Haddalka Mr Michelle Cervone d’Urso ayaa u muuqanaaya Hanjabaad ku socta Madaxweynaha maamulka Somaliland ee dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com