Xog: Doorashada Somalia oo mar kale dib u dhaceysa iyo diyaarinta qorshe cusub oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia iyo Guddiga Doorashooyinka ay isla garteen in dib u dhac lagu sameeyo doorashada heerka Madaxweyninimo ee la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in doorashada Madaxweyninimo ay dib uga dhici doonto xiliga loogu tallo galay, iyadoo dib u dhacaasi uu qaadan doono ku dhawaad Hal bil.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in dib u dhacaasi leysla fahmay ay sabab u tahay arrimo farsamo oo lasoo gudboonaaday Guddiga, iyadoo wararku ay intaa kusii darayaan in Madaxtooyada ay Guddiga fursad u siisay muddo 30-cisho ah inay kusoo xalistaan.

Sababaha kale ee Guddiga uu u cuskanaayo dib udhaca doorashada Madaxweynaha ayaa ah caqabado isugu jira mid Siyaasadeed, Amni xumi weli taagan, Maamulida miisaaniyada iyo Odayaasha oo aan wali soo dhameystirin liiska ergooyinka.

Guddiga Doorashooyinka dadban, ayaan weli si cad usoo bandhigin dib u dhaca ku imaan doona xiliga Doorashada Madaxweynaha, waxaase lagu wadaa in dib u dhacaasi ay shaacin doonaan Asbuucyo un kahor xiliga doorashada.

Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Somalia Xassan Sheekh, ayaa dhowr jeer ku celcelshay inaanu dib u dhac danbe ku imaan doonin xiliga doorashada Somalia, waxaana go’aankaasi la qaba Hogaamiyayaasha Maamulada dalka.

Haddii ay rumowdo dib u dhaca ay isla qorsheeyen Madaxtooyada iyo Guddiga Doorashooyinka dadban, ayaa waxaa ka dhalankara dhibaatooyin Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com