Beesha caalamka ‘oo joojisay’ deeqihii Soomaaliya + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka iyo deeq bixiyayaasha kale ee caalamiga ah ayaa lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jireen dowladda federaalka joojiyey kuna xiray dhameystirka doorashooyinka dalka, sida uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble oo ugu horeystii qiray in uu istaagay dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalka, ayaa waxa uu sheegay in mar uu gargaar u raadiyay dadka abaartu saameysay in lagu wargeliyay in marka hore la dhammeystiro doorashada, taasi oo muujinaysa caqabadda laga dhaxlay jiitankeeda.

“Doorashada way raagtay oo aad ayay u daahday, dalka dhaq-dhaqaaqiisa wuu istaagay, ganacsiga iyo gargaarka wuu joogsaday, markii aan gargaar u raadiyay abaarta waxaa la igu yiri doorashada hala dadejiyo,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu ka codsaday in doorashada la dadajiyo oo sida ugu dhaqsaha badan u soo gunaanadaan madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasi oo qaarkood aysan weli bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo mad-madow badan uu ku gadaaman yahay.

“Mas’uuliyad saaran Rooble keliya ma aha, wey nawada saaran tahay haddii aan ka bilaabo dhanka midig Qoor-Qoor, Lafta-gareen, Deni iyo labada madaxweyne ee naga maqan (Axmed Madoobe iyo Guudlaawe) waxaa rabaa in sida ugu dhaqsaha badan aan u dardar gelino oo cagta aan furno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada ka dalbaday inay kulan iskugu imaadan, si ay bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha beesha caalamka ay ugu wargeliyaan waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo geba-gabeynayo doorashada.

Beesha Caalamka aya waxaa soo foodsaaray walaac xoogan oo ku aadan hanaanka doorashada dalka, xilli ay mucaaridka si adag uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, oo ay qaadaceen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii