Xog ku saabsan Shariif Xasan Sheekh iyo qorshihiisa oo siyaasi uu shaaciyey

Beydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka lixda gobal Cabdifataax Geeseey ayaa caawa sheegay in beesha caalamka iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay wax ka ogyihiin qorshaha Beydhabo uu u tagay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay haddii aaney degdeg uga hadlin dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo wakiilka gaarka ah ee QM Soomaaliya, ay raali ka yihiim dhibka ku soo wajahan magaalada Beydhabo.

Cabdifataax Geeseed ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan in uu yimid Beydhabo siddii uu isaha hor keeni lahaa shacabka iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Beydhabo, wuxuuna yiri “Ma ahan qof maslad nabadeed wada”

Mar la weydiiyay khalalaasihii maanta ka dhacay cidda sababa u ahayd,wuxuu ku eedeeyay Shariif Xasan Sheekh oo raba ayuu yiri in uu la yimaado wax yaabo ka soo horjeeda rabitaanka dadka ku dhaqan maamulka lixda gobal.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha maamulka Madoobe Nuunow ayaa ugu baaqay in ciidamada jooga Beydhabo aaney ku milmin siyaasada is diiddan ee ka socda Beydhabo, isla markaana aaney la safan labada dhinac.

Hadalka Cabdifataax Geeseey ayaa ku soo beegmayaa iyadoo maanta xiisad gacan ka hadal gaartay ay ka dhacday Beydhabo kaddib markii ay tageen wafdi uu hoggaaminaayo xildhibaan Shariif Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin wixii maanta ka dhacay Beydhabo uu ka socdo labo shir oo isku soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com