27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Beesha caalamka waxaan DACWO uga nahay Xasan Sheikh iyo asxaabtiisa”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guulleed Isaaq oo kamid ah Odayaasha Kismaayo, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka yihiin dacwo, islamarkaana dacwadaasi ay u gudbin doonaan Beesha Caalamka.

Wuxuu sheegay inay u arkaan in Xasan Sheekh uu carqaladeynaayo Horumarka dalka, isagoona farta ku goday inuu shaqo ka dhigtay in Mas’uul waliba uu ku cadaadiyo inuu ku shaqeeyo Siyaasadiisa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in durbaba ay is fahmi la’ yihiin Cumar Cabdirashiid oo uu dhawaan isaga magacaabay, waxa uuna Arrinkaasi ku tilmaamay mid uu kula dagaalamaayo siyaasadaha madaxda kale.

Wuxuu farta ku goday in dhammaan go’aanadaasi ay yihiin kuwo aan isaga madaxiisa kasoo maaxin balse ay usoo aqrinayaan shaqsiyaad kale.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Madaxweyne Xasan uu kusii fogaado in Mas’uul waliba uu kula dagaalamo hirgalinta Fakirkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News