Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhex taagan yahay Maamulka guud ee Ahlusuna wal-jameeca.
Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Sheikh C/risaaq Maxamed Cali Mirre Al-ashcari.
Wararku waxa ay sheegayaan in xil ka qaadista Mas’uulkaasi uu yahay mid aan loo wada dhameyn, balse go’aankaasi ay fuliyeen shaqsiyaad la sheegay inay kasoo horjeeden Siyaasadaha Al-ashcari.
Sheikh C/llaahi Cabdi Maxamed Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Talada Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Tilaabada Xilka looga qaaday Al-ashcari islamarkaana ay tahay Tilaabo lagu Burburinayo Maamulka Ahlusunna.
Dhanka kale, Mas’uulka la sheegay in xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay Macalin Maxamed Axmed oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna.
Arrintaan ayaa u Muuqata in uu jiro Khilaaf Xooggan oo soo kala dhex galay Maamulka Ahlusunna ee Gobolada dhex.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

