Beesha Farmaajo oo qarka u saaran isku dhacyo salka ku haya xariga JANAN

Doolow (Caasimada Online) – Waxaa cabsi wayn laga qabaa in magaalooyin ka tirsan gobalk Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka bilaawdaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo bulshada gobalka Gedo, sida ay noo sheegeen odayaasha degaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin odayaasha, saraakiisha ciidamada iyo bulshada, kuwaas oo ku nool degmada Doolow oo ah halkii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa Cabdirashiid Janaan, ka hor inta aan laga qaban Muqdisho.

Kulamadaan oo dhowr jeer ka dhacay Doolow waxaa yeeshay saraakiil taageersan xarigga wasiir Janan, halka kuwa kalane ay qaateen saraaakiil iyo odayaal dhaqan oo diidan xarigga wasiirka amniga Jubbaland Janan.

Kulamadan ayaa abuuray walaac ay qabaan dadka degaanka waxaana la sheegayaa in ay jiraan siyaasiin gadaal ka riixaya kacdoon dadweyne oo degaanka ka dhaca.

Xubno katirsan maamulka Jubaland ayaa ku wargeliyay dadka degaanka iyo qoyska wasiir Janan, in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday sii deynta Janan islamarkaana uu u xiran yahay arimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Jubaland.

“Waxaan daremeynaa in dad ay abaabulayaan isku dhacyo gobalka ka bilaawda, sababtoo ah waxaa noo muuqata in beesha uu ka soo jeedo wasiir JaNan, aysan mideysneen oo ay dhici karto in dhaxdooda ay dagaalamaan” ayuu yiri qof katirsan dadka degaanka oo la hadlay Caasimada Online.

Beesha uu ka soo jeedo Cabdirashiid Janan, sidoo kalane uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso arinta Jubaland, xarigga Janan iyo kuwa kale, waxaana ka dhax-taagan khilaaf aad u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com