Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo tartankii ugu adkaa ku galaya Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka billaabmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed.

Abaabul iyo kulamo joogto ah oo u badan ololeynta musharaxiinta ayaa ka socda Dhuusamareeb waxaana tartanka ugu adag uu dhaxmarayaa laba nin oo qaraabo ah balse kala taabacsan xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo oo garab ka helaya ra’iisul wasaare Kheyre ay wajahayaan xaalad adag oo halis ku ah rajadii ay ka qabeen Galmudug kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo sharaxay aqoonyahaan, siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana saameyn culus ku leh Galmudug.

Labadaan madaxweyne ayaa kala wata Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo isna musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya dhowaan.

C/raxmaan Odowaa, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidoo kalane ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo arkaa in uu leeyahay rajada ugu wanaagsan ee hogaanka Galmudug, halka Qoor Qoor uu wado dedaalo badan isagoo garab ka helaya xukuumadda Soomaaliya.

Waa tartankii ugu adkaa oo dhaxmara Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxayna arintaan ay hour-dhac u noqon doontaa rajada 2-da hogaamiye ee doorashada Soomaaliya sanadkaan 2020/21-ka, oo la aaminsanyahay in ay isu soo taagi doonaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com