Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filaya inuu dhawaan isbadal ku sameeyo golihiisa wasiirad ayaa kulamo xasaasi ah la yeelanayo qeybaha ay khuseyso arrintaas.
Haddaba Beelaha uu Kheyre la kulmay waxaa kamid ah Odayaasha Beesha Habar Gidir kuwaas oo ku doodayo inaan Beesha golaha wasiirada laga siinin xilkii ay u qalmeyn.
Kulankan ayaa ka dambeeyay ka dib kulamo maalmahaanba u socday Waxgaradka Beesha Habar gidir oo ay ku go’aansadeen in isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada si ay u helaan booska ay doonayaan.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku jiro xaalad jahwareer ah, wuxuuna la kulmayaa cadaadis ay kamid yihiin:
1: Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku cadaadinaya inuu isku shaandheyn sameeyo si wasaarado badan oo waxqabad la’aan lagu eedeeyay loogu bedelo dad howlkar ah oo Bulshada wax badan u qaban kara.
2: Beelaha qaar oo aan ka dhamaan xafiiskiisa iyagoo ku cadaadinaya inuu isbedel ku sameeyo wasiirada si ay u helaan wasaarado ay ku qanacsan yihiin, iyo shaqsiyaad cusub oo howlo badan u qaban kara.
Beesha Habar Gidir ayaa ka mid ah beelaha aan ku qanacsaneyn wasaarada ay heystaan iyo shaqsiga u matalaya oo ah wasiir Yuusuf Garaad, waxayna doonayaan in la siiyo wasaarada arimaha Gudaha iyagoo la imaan doono shaqsi ku cusub siyaasada Soomaaliya sida la ogaaday.
Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu laab qaboojiyay odayaasha Beesha Habar Gidir inaysan waxba isla waayi doonin balse ka fiirsi badan ay u baahan tahay marka isku shaandheynta la sameynayo iyo qaabka loo kala xulanayo wasiirada soo laabanaya iyo kuwa cusub ee lagu soo darayo.
Sida xogta ay heleyso Caasimadda Online sheegeyso Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbadal weyn ku sameeyo hab qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, waxaana la qiyaasayaa in Habargidir la siin doono xil ka duwan midda ay hadda heystaan, iyadoo la aaminsan yahay inay heli doonaan booskii ay dhawaanahaan heysteen ee Wasiirka Arrimaha Gudaha.