Beeshii diiday in DF Somalia ay qaado ciidamadeeda oo shaaciyey sabab yaab leh

Beledweyne-(Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska beesha Xawaadle oo ku suugan magaalada Beledweyne ayaa si kulul uga hadlay ciidamada ay dowladdu dooneyso in ay ka qaado Beledweyne, kuwaas oo la geynayo magaalada Dhuusamareeb.

Ugaaska ayaa sheegay inuu lasoo xariiray wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo waydiiyay sababta ay u diideyso beeshiisu ciidamada ay dowladdu u qaadayso magaalada Dhuusamareeb.

Ugaasku ayaa sheegay in ka oday dhaqameed ahaan aysan diidin in gobol kale loo qaado ciidamo dowladda u joogay gobolka Hiiraan, balse waxa uu dowladda ku eedeeyay in ay gobolka ka aruursaneyso dhalinyaro uu sheegay in ay aradanyihiin oo ay macawiisyo wadataan.

Sidoo kale Ugaaska ayaa mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka qeybta 21-aad ee ka yimid magaalada Dhuusamareeb ee hadda ku sugan Beledweyne, waxa uu ku eedeeyay inuu yahay ninkii hoggaaminayay dagaalkii deegaanka Baanyaaley ku dhex maray beesha Ugaaska ee Xawaadle iyo beesha degta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Habareji/Ceyr.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in reer Hiiraan aysan wiilashooda Dhuusamareeb u direyn, isla markaana aysan dowladda ka yeelayn damaceeda ah in dhalinyaro aan tababar qabin, daryeel ciidana aan heysan ay u qaado gobol kale.

Halkaan ka dhageyso codka Ugaaska:-

Caasimada Online
Xaafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com