Ma loo dul-qaadan karaa wixii ay xildhibaanada BF sameeyeen 3 bil ee tagay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay galay fasax gaaban oo ay qaadanayaan inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Saddexdii Bilood ee la soo dhaafay, waxaa ay Xildhibaannada Golaha shacabka yeesheen 11; kulan oo kaliya iyada oo inta bandanna XIldhibaannada ay kulamada ka maqnaayeen.

Kulankii ay tirada ugu badan xaadireen waxaa uu ahaa kii dhacay 30kii April 2018,kaas oo lagu dooranayay Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Kulankaas waxaa xaadirtay 266; XIldhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka,waxana ka maqnaa kaliya 9; xildhibaan oo aan ka qeybgelin doorashada Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.

Golaha shacabka ayey tahay in ay Todobaadkiiba kulmaan saddex maalmood oo kala ah, Sabti,Isniin iyo Arboco,haddii aanay jirin kulamo deg deg ah,waxaana ay Bishii noqoneysaa 12 Kulan.

Taas waxaa ay ka dhigan tahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay aanay xitaa gaarin kulamadii laga rabay bil kaliya,waxaana mooshin billowday 13kii March uu dhamaaday Dhamaadkii April.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com