BF oo berri ka doodaya mooshin ku saabsan ‘doorashooyinka qaranka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa loo diray fariin uu guddoonku ku war-gelinaayo inuu beeri oo Isniin ah jiro kulankii golaha, islamarkaana ajendaha kulankaas uu mooshin ku saahabsan “doorashooyinka qaranka.”

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Ajendaha, Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka. Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri fariinta loo diray xildhibanada.

Durba waxaa soo baxay wal-wal laga qabo inuu berri dhaco mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka uu mudo xileedku ka dhamaaday. Haddii uu dhaco mudo kororsigaas dad badan waxay qabaan in uusan ka yaraa doonin laba sano.

Kulankaan Isniinta berri la isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar la xariiray in madaxweynuhu damacsan yahay mudo kororsi.

Sidoo kale waxaa maalmihii dambe hakad ku jiray wadahadalladii madxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uga bilaawday Afisyooni, waxaana maalinkii u dambeeyey la isku eedeeyey fashilka ku yimid shirarkii Afisyooni.

Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celcelisay in aysan taageeri doonin caawaaqib xuna uu ka dhaxli doono garabkii ku dhaqaaqa mudo kororsi ama doorasho aan lala ogoleyn, balse lama oga sida xaal noqon doono hadii uu berri dhaco mudo kororsi loo sameeyo madaxweyne Farmaajo iyo baarlamaankan 10-aad.

“Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.