Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano kooban oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta Villa Hargeysa, kuwaas oo gaaray goor sii horreysay, halka kuwa kalena ay sheegeen in ciidan Boolis ah ay ka celiyeen jidadka.

Kulanka ayaan illaa iyo hadda furmin, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal haatan ku sugan xarunta baarlamaanka oo soo tabinaya kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in baaris lagu sameeyey xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacayo kulanka, kadib shaki la sheegay inuu ka dhashay dhanka amniga.

Sida uu qorshuhu yahay ajandaha kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka doodista mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo is mari-waaga ka taagan.

Sidoo kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan kuwa mucaaradka ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka laga leeyahay kulanka maanta uu yahay in la sameeyo muddo korrsi horleh.

Arrimahan ayaa yimid, kadib markii taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon uu ku dhowaaqay inuu joojiyey kulankii baarlamaanjka, saacado kadibna laga qaaday xilka.

Lama oga waxa kasoo bixi doono kulanka baarlamaanka oo ku soo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu kala tegay wadahadaladii ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa ku jirto haatan xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.