BF oo Digniin kasoo saaray xariga Wariyaasha Universal & Cawil oo maxkamad lasoo taagayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudiga warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga loo geystay wariyaasha TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho  oo maalintii jimcaha dowlada federaalka Soomaaliya ku xirtay magaalada Muqdisho.

Gudiga warfaafinta baarlamaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka xun yihiin xariga loo geystay wariyaasha Tv-ga Universal, ayna ka dhiidhin doonaan tacadiyada dowlada Soomaaliya ay ku heyso saxaafada.

Sidoo kale waxay sheegeen in waxyaabaha keenay iney mooshin ka keenaan dowlada Xasan Sheikh kamid aheyd awooda dalka oo siyaaso kale loo adeegsanayo, sida gudiga warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen.

Dhanka kale wasiiro dowlaha warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa sheegey in cadaalada la horkeeni doono wariyaasha TV-ga Universal ee dhawaan xabsiga la dhigay.

Wasiiro dowlaha wuxuu sheegay in marar badan digniino loo jeediyay talefishinka laakiin ay ka dhaga adeegeen sida uu sheegay wasiiru dowlaha warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha loo xiray wariyaasha Universal waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo xiray arimo siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com