Video: Taliyaha boliiska oo gaadiid uu Japan ugu talagalay booliska Somalia u gudbiyay Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa qeyb ka mid ah gaadiidkii dhawaan dowladda Japan ugu deeqday taiska booliska ku wareejiyay maamulka Koonfur Galbeed ee xaruntiisa tahay Baydhabo.

Taliyaha booliska Jen. Maxamed Sheekh Xaamud ayaa u wakiishay wareejinta gaadiidkaan casriga ah Kuxigeenkiisa Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax inuu maamulka Koonfur Galbeed ku wareejiyo baabuurtaan.

Jen. Xaamud oo xiriir dhow la leh maamulka Koonfur Galbeed oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo, isagoo madaxda dowladda ku qanciyay in booliska gobolada Bay iyo Bakool ay ku howlgeli doonaan.

Mushaar la’aan baahsan oo dhawaanahan haysay ciidamada booliska ayaa waxaa dhawaan loo qeybiyay xooggaa gunooyin aan kaafin noloshooda, iyagoo dhowr bilood wax mushaar ah qaadan.