BF oo ka deyriyey amniga magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka golaha shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jirto habacsanaan dhanka amaanka ah kadib baaritaano arrimahaasi ku saabsan oo ay sameeyen.

Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka waxa uu tilmaamay in weli ay taagan tahay habacsanaanta la xiriirta dhanka ammaanka, waxa uuna cadeeyay inay wadaan talaabooyin ay kula xisaabtamayan Hay’adaha amaanka.

Xildhibaan Xuseen Carab, waxa uu sheegay in dhawaan ay baarlamaanka horgeyn doonaan wixii ka soo baxay kulamada ay la qaateen hay’adaha amniga, waxa uuna farta ku goday inay muhiim tahay in la qaado talaabo isbedel dhanka amniga ah.

“Waxaa jira habacsanaan dhanka amniga waxaanu dooneynaa in wax laga bedelo Hay’adaha amniga waa in la kordhiyaa la xisaabtanka”

Xildhibaanada BFS ayaa todobaad kahor muddo 3 maalmood ah waxa ay ka doodayeen ammaanka, waxayna xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyeen inay ku fashilantay wax ka qabashada amniga.

Haddalka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa imaanaya xili Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ay shalay hortageen Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya, si ay u siiyaan warbixin la xiriirta ammaanka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com