Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BF ah ee Somalia ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka oo ka mid ah hindise sharciyeedyada horyaala Baarlamaanka, iyadoo hidisahan uu maray saddex marxaladood.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa shir gudoominayay kulankii maanta ee Baarlamaanka lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka.
Wuxuuna gudoomiye Jawaari ku dhawaaqay in cod loo qaado hindise sharciyeedkan, waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada in si degenaan ku jirta cod gacan taag ah ugu qaadaan.
Dhanka kale, 154 xildhibaan ayaa ogolaaday hindise sharciyeedkan halka 4- Xildhibaan ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay, waxaana Gudoomiyuhu oo ku dhawaaqay natiijada uu sheegay in hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka uu yahay mdi ansax ah.
Hanti dhowrka Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa soo dhoweeyay ansixinta hindise sharciyeedka, isagoo sheegay inay tahay guul u soo hoyatay hindise sharciyeedkan meel marintiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

