27.7 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

WASIIRADA cusub oo dhaliilay qaabkii R/W CC xilalka ugu magacaabay (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka ku aadan qaabka loo magacaabay Wasiirada cusub ee ka tirsan Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sahra Maxamed Cali Samatar oo loo magacaabay Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa xilkaasi loo magacaabay xili aan lagu soo wargalin, waxa ayna magacaabidaasi ku tilmaantay mid ay Xukuumadu ku kadisay xubnaha cusub.

Waxaa laga soo xigtay inay ku faraxsan tahay inay kamid noqoto Wasiirada cusub, balse kaliya ay dhaliilsan tahay degdegta loogu sheegay magacaabisteeda xili aysan u diyaarsaneyn xilka.

Sidoo kale, waxa ay kamid aheyd shaqsiyaadkii horay Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar ugu gudbistay codsiga kamid ahaanshaha Xukuumadii la diiday, balse R/W CC oo codsigaasi ka duulaayo uu usoo magacaabay xilka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha.

Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa inay jiraan Wasiiro dhowr ah oo iyaguna in la magacaabay magacooda ka dhageystay Idaacadaha Muqdisho, balse aan xili hore lagu soo wargalin.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar oo iyagu wakhtigu gabaabsi ka ahaa ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in Wasiirada cusub ay ka dhigaan shaqsiyaadkii horay usoo gudbiyay codsiyadooda balse aan suuragalin in lagu soo daro Wasiiradii la diiday, waxa ayna iminka nasiib u yeesheen in codsi la’aan lagu soo daro Xukuumada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News