BFS oo ku dhagan Odawaa iyo wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BFS ayaa ku baaqay in wasiirada kala ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Somalia C/raxmaan Odawaa iyo Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar ay hor imaadan BF.

Labada wasiir ayaa waxaa Su’aalo laga weydiinayaa sababta keentay in Dowlada Kenya ay horay ugu soo duruqdo xadka Somalia.

Xildhibaanada BFS ayaa ku dooday in labadaasi wasiir aysan la socon haba yaraate xaaladaha uu dalka ku jiro iyo xuduudahiisa.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa Gudoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda BFS oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in toddobadka soo socdo ay arrintaasi su’aalo ka weydiin doonaan Wasiiradaasi.

Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada BFS, ayaa wuxuu cadeeyay in Xukuumadda iyo Baarlamaanka, ay qaraar mideysan ka qaadan doonaan xadgudubyada ay ku kaceyso Kenya.

Arrintan ku soo korortay labada dal, ayaa waxaa suurtagal ah inay xumeyso xiriirkii u dhaxeeyay labada dal, sida ay qabaan siyaasiyiin badan, iyadoona ay dhici karto in go’aan adag ay ka qaataan shacabka Somaliyeed.

Dhinaca kale, Kenya, ayaa waxay xididada ay u siibtay dhammaan calaamadihii muujinaayay barta kala qaybisa xuduuda labada dal, waxayna taasi ka careysiisay shacabka Somaliyeed ee degan xuduudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com