Biden oo shaaciyey go’aan uu qaatay Vladamir Putin

Washingtong (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine. Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan.

Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka beegsanayo.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay in uu damacsanyahay in uu weeraro dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qaba in Ruushka uu isku dayo in uu qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine, si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka.

Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ka howlgala jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu haysto “sabab uu ku aamino” in ciidamada Ruushka “ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan”.

“Ilaa iyo hadda, waxaan rumeysanahay in Ruushka uu go’aankaas qaatay” ayuu Biden hadalkiisa sii raaciyay.

Joe Biden wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka uu weli heysto waddo diblumaasiyadeed oo lagu qaboojin karo xaaladda si wadahadal loogu xalliyo xiisadda.

Shaley, waxaa soo baxayay astaamo kale markii hoggaamiyeyaasha madaxda kooxaha gooni u goosadka ay shaaciyeen in dadka ay ka daadgureynayaan halkaas xilli ay sheegeen in Ukraine ay bilowday inay duqeysay halkaas ayna qorsheyneyso weerarro, arrinta oo xiisadda sii hurisay.

Ukraine ayaa marar badan sheegtay in aysan qorsheyneynin wax weerar ah, wasiirka arrimaha dibadda Dmytro Kuleba ayaa meesha ka saaray waxa uu ku tilmaamay “warbixinnada been abuurka ah ee Ruushka”.

Boqollaal kun oo qof ayaa ku nool gobolkan, daadgureyntan waxay noqon kartaa mid ballaaran, mana jirto caddeymo muujinayaa in daadgureynta ay bilaabatay balse warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dhowr bas oo soo daadgureeyay dadka deegaanka ay ku sii jeedeen Ruushka.

Isha: BBC.