Biixi “50 jirka Muqdisho jooga maba yaqaanno Somaliland Farmaajo iyo Kheyrana waxay…”

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somalliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya isaga kala dambeeyeen ay muddo 30 sano ku dhow ku howlanaayeen in Somaliland aysan aqoonsi helin.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii Somaliland aysan aqoonsi u heli laheyn, islamarkaana ay kaga mid noqon lahaayeen dalka Soomaaliya.

“Qolada Soomaaliya joogta waxaan leeyahay, dhibaatadii 30-kii sano ee aan mideysnayn aad na gaadhsiiseen waxaa nagaga xun 28-ka sanno ee aan kala maqnayn ta aad na gaadhsiiseen ee aad lahaydeen lama aqoonsan karo Somaliland”ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in hadda Caalamka uu garwaaqsaday in la joogo waqtigii Somaliland aqoonsi buuxa la siin lahaa, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay wadaan arin taasi ka horjeeda.

“Waxaa maanta muuqata in caalamka garwaaqsaday markan in la joogo waqtigii kala gurilaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan Farmaajo iyo Kheyre, u sheegayaa 28 sano ayey labadaa dal kala maqan yihin, 50 jirka Somaliland, wuxuu ku garaadsaday iyadoo Somaliland is xoraynaysa.,50 jirka Muqdishana maba yaqaanno Somaliland. Iyadoo la kala maqan yahay ayuu garaad saday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadda soo gaartay xilligii ay ku jireen Soomaaliya ay kasii xun tahay in wali laga  hortaagan yahay Ictiraaf.

Somaliland ayaa muddo ku dhow 30 sano raadineysa ictiraaf ay caalamka ka helaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com