Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay…

Laascaanood (Caasimada Online) ― Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo maanta bulshada reer Awdal kala qeyb galay xuska munaasibada 18-ka May, ayaa ka hadlay Sarkaal habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood.

Saylici ayaa sidoo kale waxa uu markii u horeysay ka hadlay labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee iyagana dhawaan lagu dilay gobalka Sanaag, isagoona sheegay in Saraakiishaasi aysan qolo gaar ah ka dhimanin balse ay ka baxeen Somaliland, wuxuuna yiri

“Saraakiishii dhimatay ee uu u dambeeyay kii lagu dilay Laascaanood Tacsi baan u dirayaa, waxayna ka dhinteen Somaliland ee qolo gaar ah kama dhimanin, qaranka Somaliland-baana ku daba jooga sidii uu u soo qaban lahaa cidii dhibtaa geysatay oo sharciga loo horkeeni lahaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “18-ka May waa maalin qiimo gaar ah leh oo aynu Somaliland dheer nahay, Waxaynu ku dhisnay qaran, nafo ayaynu ku bad-baadinay, markaa dhallinyarada Somaliland ee ku hodmay Somaliland ee wax ku bartay ha u duceeyaan odayaasha Aabayaashood iyo awoowyaashood ahaa ee go’aankaa qaatay”.

“Reer Awdal, dhallinyaradaay Maskaxda yaan la idinka xumaynin, bani-aadamka tabasho iyo cabasho way jiri, wax dhiman way jiri, laakiin way toosisanaynaa, reer Awdal iyagaa Somaliland leh, Heesta calanka iyo astaanta qarankaba reer Awdal baa ku suntan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com