Bajaajle waday haweenay fool aheyd oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xalay waqtiga Suxuurta Magaalada Muqdisho, waxaa Xaafadda Saybiyaano lagu dilay Wiil watay Mooto Bajaajle, xilli uu waday haweenay fool ah oo Isbitaalka uu u waday.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamad C/laahi Xasan, sida ehelkiisa ay sheegeen gabar daris la, ah oo foolanaysay ayaa soo kicisay si uu mootada uu ugu qaado, kadibna markii ay marayeen Ajabka Shidaalka Saybiyaano ku yaallo, waxaa meel kaga soo baxay askari oo ku riday xabad, sidaasina ay ugu dhacday Wiilkii, mootadiina waa ay gadoontay.

Ehelada Wiilka dhintay ayaa sheegay in maydka Marxuumka & Mootada oo bur bursan ay taallo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Waxa ay dalbadeen inay helaan cadaalad ku aadan dambiilihii gaystay falkaasi dilka ah in gacanta lagu soo dhigo si loo waafajiyo sharciga, islamarkaana cadaalad ay doonayaan.

Marxuumka la dilay ayaa wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta xirfadda Mooto wadista, lama oga sababta ka dambeysa dilka loo gaystay wiilkaasi dhalinyarada ahaay.

Askariga dilka gaystay ayaanan ku sugnayn goob Koontarool ah oo Ciidamada ay joogaan, balse waxaa la sheegay meel ku dhaw Ajabka Shidaalka Saybiyaano inuu ka soo baxay oo sidaasi xabad uu ugu riday Mootada, kadibna uu meesha ka cararay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,iyadoo dhawaan sidaan oo kale askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka,hayeeshee markii dambe laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com