BF oo ansixiyey keshiiska  kheyraadka oo ay maamul goboleedyada diidanaayeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen.

Xildhibaanada ayaa sidoo kalena ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.

Heshiiska  Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan Muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com