Xiisadda HirShabelle iyo DF oo meel xun gaartay iyo wasiiro ka dagay Jowhar

Jowhar (Caasimadda Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somaliya, kadib markii Hirshabelle ay qaadatay go’aan ah in Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiga Sare ay qaadanayso ka maamul ahaan.

Wafdiga Jowhar gaaray ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaalle .

Wafdiggaan ayaa garoonka Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Waare.

Ujeedka booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay  sidii xal looga gaari lahaa qaadista imtixaanka dugsiyada sare oo dhowaan ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka ay baabi’isay.

Wasiirada Dowladda ka socda ee tagay Jowhar ayaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxda Maamulka Hirshabelle si loo xaliyo tabashada Maamulka ee dhanka Imtixaanaadka.

Hirshabelle ayaa deeganada Maamulkeeda ka soo saartay Kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada ka socda ee deeganada Maamulkaasi ku sugnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com