Biixi oo ka hadlay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya safarkiisa iyo xiisadda DF iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa markii u horeysay ka hadlay inuu socdaalkiisa Kenya uu dabo socdo xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, xili ay dowlada federaalka ku eedaysay xukuumadda Nairobi faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya booqashada uu ku joogo Nairobi iyo khilaafka DF iyo Kenya oo gaaray meeshii u sareysay.

“Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad uu ku maamuusay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga.

Si kastaba, safarka Muuse Biixi ayaa imanaya xili uu meel xun gaaray khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo Kenya, kaasi oo keenay in Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed si rasmi ah ugu jarto Kenya.

Go’aanka Soomaaliya ee xiriirka ugu jartay Kenya ayaa isaguna kusoo aadaya xili uu Muuse Biixi booqasho dhowr maalmood ah ku joogo magaalada Nairobi, midaasi oo dowlada federaalku u aragto “inay Kenya weli kusii madax adeygayso faro-gelinta arrimaha gudaha”.