Biixi oo ka hadlay qorshaha Abiy ee wada-hadallada uu R/W Kheyre ku lug leeyahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jira.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi.

Ayada oo wararka ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Muuseo Biixi, maadaama reer Somaliland “ay xasaasiyada ka qabaan” madaxweyne Farmaajo, ayaa Muuse Biixi wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka, midaasi oo u muuqata inuu si dad-ban u aqbalay uguna diyaar yahay qorshihii Abiy Ahmed.

Biixi ayaa sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaaro caalamiya.

Caasimada Online ayaa shalay baahisay xog ku saabsan qorshahaasi cusub ee Abiy Ahmed ku wajahayo wada-hadaladaasi iyo kulamo uu qorsheeyay inay ka dhacaan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, inkasta oo aan sheegnay suurta-galnimada ay ku baaqan karaan kulamadaasi, maadama cudurka Covid-19 uu si xawliya u faafayo, Kiisas hor lehna laga helay Soomaaliya iyo Itoobiya.