Filish oo shaaciyey dad aan horey loo ogeyn oo Xamar ugu dhintay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus ay Muqdisho ugu dhinteen dad uu garanayo.

Cumar Filish oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaas ay ahaayeen kuwa aan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen gudaha dalka.

Waxa uu intaas ku daray in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay, halka qaarka kalane aan wali la aasin, sida uu hadalka u dhigay.

“Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka, dad badan ayaa la ila daran qaarna wey u dhinteen, oo aan anigu garanayo, oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay, qaar hadda ayaa la aasay, qaarna aan wali lama aasin,” ayuu yiri.

Hadalka Cumar Filish ayaa abuuraya jahwareer ku saabsan waxa ay yihiin dadka cudurka u dhintay ee uu ogyahay.

Wasaaradda caafimaadka waxay shalay shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha dalka ugu dhintay cudurka, hase yeeshee Cumar Filish ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowr ah.

Waxaa is-weydiin mudan shakhsiyaadka Cumar Filish ogyahay ee wasaaradda caafimaadka aysan shaacin weli, taasi oo abuuri karta su’aal ah;  in xog la qarinayo ay jirto, iyo inay jiraan shakhsiyaad aan wasaaradda la socodsiin oo cudurka laga helay, haddiiba warka Cumar Filish uu sax yahay.

Dhanka kale, Cumar Filish, oo ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan ee ah in si fudud loo kala qaadi karo, ayaa bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.

“Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la idin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato,” ayuu yiri duqa Muqdisho.