Muuse Biixi oo u hanjabay odayaashii dalbanayey midnimada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay odayaal dhaqameed muddooyinkii dambe ka hadlayey arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana dalbanayey inay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay shaqadooda aheyn arrimaha siyaasada oo ay kamid yihiin arrimaha ay ka hadleen ee wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa ka dhawaajiyey in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay gutaan kaalintoodi dhaqan, isla markaana ay ka sugayaan ka xukuumad ahaan dhaqankii wanaagsanaa ee looga bartay Salaadiinta dhaqanka.

Madaxweynaha ayaa si adag ugu hanjabay Salaadiinta ku eekaan waaya waajibaadkooda dhaqan ee faraha la gala arrimaha siyaasada, iyagoona qaadi doona mas’uuliyada wixii uga yimaada arrintaasi.

“Waxaanu ka sugaynaa Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xil-saartay oo haddii uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Somaliland ayaa dhowaan hanjabaad adag u dirtay Odayaashaasi oo uu kamid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, maadama ay faraha la galeen sida ay sheegeen arrimo uusan sharcigu u ogoleyn, isla markaana sharciga la tiigsan doonaan.

Suldaan Maxamed Cabdiqadir, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland oo kamid ahaa Odayaashaasi loo hanjabay ayaa hore u sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahan yahay in dib loo furo wada-hadalada labada dhinac.