Bin Salmaan oo bilaabay inuu sii daayo Amiiro uu dhawaan u xiray kiisas la xiriira Musuq (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Boqortoyada Sacudi Carabiya, ayaa waxaa lagu amray in lagu sii daayo 2 wiil oo uu dhalay boqorkii hore ee Sacudi Carabiya Boqor Cabdalla.

Xeer ilaaliyaha ayaa warqadiisa ku amray in Xabsiga laga sii daayo labadaasi amiiro oo kamid noqday ku dhawaad 200 oo isugu jira Amiiro iyo Ganacsato oo uu xiray Bin Salmaan.

Amiirada lagu siidaayay qoraalka Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Amiir Meshaal bin Abdullah iyo Amiir Feysal bin Abdullah oo la sheegay in lagu waayay musuqa loo xiray.

Amiirada la xiray ayaa waxaa ku jira kuwo ay dhaleen Boqoradii hore, Wasiiro iyo Ganacsato iyadoo lagu xirey amar uu soo saaray amiirka leh dhaxalka boqortoyada Sacudi Carabiya Amiir Maxamed bin Salman bishii November ee sanadkan.

Labada amiir ayaa laga sii daayay Xabsi looga dhigay Hoteelka Ritz-Carlton  oo hadda noqday xabsi lagu xiro dadka loo haysto musuq-maasuqa kadib markii ay oggolaadeen in xal laga gaaro dhaqaalaha lagu tuhunsan yahay inay musuqmaasuqeen.

Wargeyska Okaz cadadkiisii soo baxay December 26 ugu yaraan labaatan kale oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ayaa toddobaadkii la soo dhaafay la sii daayay, waxaana deysmada loo sababeeyay kiiska musuqa oo lagu waayay.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa dultaagan liiska ku dhawaan 25 Amiiro iyo Ganacsato loo heysto musuq, balse la filaayo in lasii daayo maadaama aanu weli lahelin cadeymo muujinaaya inay musuqeen dhaqaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com