Booliska Interpol oo jawaab deg dega ka bixiyey dalabkii Iran ee xariga Donald Trump

Lyon (Caasimada Online) – Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay dalabkii Iran ee soo qabashada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhawaan soo saartay waaran lagu xirayo madaxweyne Trump, iyada oo Interpol kaga codsatay inay ka gacan siiso soo qabashada Trump.

Interpol ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabka dowladda Iiraan, iyada oo si cadna u sheegtay inaysan tix-gelin doonin dalabkeeda ee soo xirista madaxweynaha Mareykanka oo xiligan xiisad adag kala dhaxeyso.

Dowladda Iiraan ayaa rumeysan in Trump uu yahay maskaxdii ka dambeysay duqeymihii lagu dilay sarkaalkeedii sarre ee Qassem Soleimani.

Diidmada Interpol ayaa meesha ka saareysa khatar xarig oo uu wajahi lahaa madaxweynaha Mareykanka oo dowladda Iiraan ay u jartay waaran soo qabasho oo ay ku wehlinayeen xubno kale oo ay Tehran la xiriirisay dilkii sarkaalkeeda.

Interpol ayaa diidmada dalabkaasi ku saleysay in waarankaasi yahay mid siyaasadeysan, isla markaana ay mamnuuc ka tahay qawaaniinteeda wax ay ugu yeertay ‘faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed’.

Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo.

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.