Booliska Somaliland oo gacanta ku soo dhigay nin baxsad ahaa oo dil geystay

Hargeysa (Caasimada Online) –  Ciidamada Somaliland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Nin dil ka geystay gobolka Hawd, gaar ahaan degmada lagu magacaabo Gumar.

Ninkan dilka geystay oo muddo baxsad ahaa, ayaa ugu dambeyntii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa.

Cali Muuse Xasan, oo ah dambiilaha la sheegay in uu dilay Marxuum ku noola gobolka Hawd, ayaa laga soo qabtay deegaan ku yaala duleedka Magaalada Hargeysa, oo ku dhuumaleysanayey.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ninkaasi dilka geystay ay ciidamadu gacanta ku dhigeen galabnimadii shalay.

Ninkaasi ay gacanta kusoo dhigeen ciidamadu, ayey muddo ka badan labo iyo toban cisho baadi-goobayeen ciidamadu, xili uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka geystay.