Booliska Tanzania oo shaaca ka qaaday xogta rasmiga ah ee Soomaaligii weerarka ku qaaday safaarada Faransiiska

Darussalam (Caasimada Online) – Ninkii Soomaaliga ahaa ee toddobaadkii afarta qof ku dilay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania, kahor inta aan toogasho lagu dilin, waxa uu ahaa “argagixiso lagu xagjireeyey internet-ka,” waxaa sidaas maanta sheegay booliska.

Ninkan oo booliiska ay magaciisa ku sheegeen Hamza Mohamed ayaa 25-kii August rasaas oodda kaga qaaday aagga diblomaasiyadda ee magaalada, meel ku dhow safaaradda Faransiiska, wuxuuna dilay saddex sarkaal oo boolis ah, iyo sarkaal amni oo u shaqeynayey shirkad gaar ah.

“Baaritaanadeena waxay shaaca ka qaadeen in Hamza Mohamed uu ahaa qof lahaa nolol sir ah oo ay ka buuxaan astaamaha argagixisanimada,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta dambi-baarista Camillus Wambura.

Wambura ayaa ku qeexay ninkan “argagixiso.”

“Waxa uu waqtigiisa inta badan ku bixiyey inuu Internet-ka wax uga barto ficillada noocan ah ee argagixisada, sida kuwa ay fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay sameeyaan argagixiso badan,” ayuu yiri Wambura.

Afarta qof ee dhintay ka sokow, lix qof oo kale ayaa lagu dhaawacay toogashada, oo ka dhacday meel u dhow albaabka laga galo safaaradda Faransiiska.

Tobaneeyo saraakiil boolis ah, siyaasiyiin iyo muwaadiniin ayaa Jimcihii ka qeyb-galay munaasabad tacsi ah oo la sameeyey saraakiisha dhintay. 

“Haddii waalidkiisa ay kasoo bixi lahaayeen mas’uuliyaddooda, wixii uu Hamza sameeyey ma dhici laheyn,” waxaa sidaas sheegay Simon Sirro oo ah madaxa booliska.

Dadka dariska lahaa Hamza ayaa naxdin ka muujiyey toogashada, waxayna sheegeen inuu hooyadiis kula noolaa meel laba kilometer u jirta un halka uu weerarku ka dhacay.

“Waxaan garanayey illaa yaraantiisa. Waxaa jirta mar la waayey illaa uu dhowaan dib uga soo laabtay,” waxaa sidaas yiri Omar Issa oo ah taksiile.

“Wuxuu ahaa qof caadi ah, oo aan ula macaamili jira si la mid ah dhammaan deriskeyga. Aad ayaan xaqiiqdii uga naxay,” ayuu yiri.

Weerarka uu fuliyey Hamza ayaa ah mid noociisu naadir ka yahay dalka Tanzania, oo ah nabad ah, xilli ay xasarad dagaal oo ay ku lug leeyihiin jihaadiyiin ay ka jirto dalka deriska la ah ee Mozambique.