NISA oo shaacisay in la dilay IKRAAN TAHLIIL FAARAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xaqiijisay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waysanaa ilaa June 26 2021, markaasi oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda Muqdisho.

Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan qoyskeeda.”

NISA ayaa sheegtay inay ku daba jirto dhagar-qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, ayna sharciga hor keeni doonto.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay NISA. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iyana weli wax war ah kasoo saarin eeddan loo jeediyey ee la xiriirta dilka Ikraan.

Dhinaca kale, hay’adda NISA ma sheegin sida ay Ikraan ugu gacan gashay Al-Shabaab, iyo sida ay ugu suurta-gashay inay baabuur kaga kaxeystaan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta hay’’adda.