Cali Guudlaawe oo go’aan lama filaan ah ka qaatay liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa qaatay mowqif lama filaan ah, oo u ku furay doorashada Aqalka Sare, isaga ballan-qaaday inaysan dhici doonin in musharax laga hor istaago inuu kasoo muuqdo liiska musharaxiinta.

Go’aanka Guudlaawe ayaa ka duwan dhammaan madax goboleedyada kale oo horey liiska musharaxiinta ugu xiray siyaasiyiin gaar ah, ayaga oo u diiday muwaadiniin badan oo xaq u lahaa.

Guudlaawe oo khudbad ka jeediyey daah-furka Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha musharaxnimo uu xaq u leeyahay inuu u tartamo kuraasta maamulkaas kasoo galeysa Aqalka Sare.

“Waxaa hortiina ka ballan-qaadaya in Liiskaas aan kusoo dari doono Musharax kasta oo soo buuxiya shuruudihii, oo aan dhihi doonin hebel aan jeclahay oo liiska u xirayaa iyo hebel aan necbahay oo liiska ka reeba,” ayuu yiri.

“Muwaadin kasta oo kusoo baxo musharaxiintan in uu nagala shaqeyn doono horumarka HirShabelle haddey nabad-gelyo tahay iyo haddey horumar tahay oo uu noqon doono Senator noo dhago nugul ayaa rajeynayaa.”

Sidoo kale waxa uu xusay in si xor iyo xalaal ah u dhici doono tartanka Aqalka Sare, ayada oo uu kula dardaarmay mudaneyaasha HirShabelle inay si human u kala xushaan tartamayaasha.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guudlaawe ay cadaadis xooggan saartay Villa Somalia kadib markii uu diiday inuu liiska musharaxiinta ka saaro Muuse Suudi, taas beddelkeedna ay ku qasabtay inuu furo liiska, si loolan adag loo geliyo Xaaji Muuse.

Maamulka HirShabelle ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay aan si toos ah u faro-gelin musharaxiinta Aqalka Sare, sida kal hore ka dhacday doorashooyinka maamulada kale ay qabteen, kuwaasi oo laga reebay shaqsiyad ay is-hayeen, halka ay kusoo baxeen dad hore loo sii ogaa.