Boorama: Baabuur Somaliland ay leedahay oo WEERAR lagu qaaday

Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Koox hubaysan ay jidgooyo u galeen baabuur Somaliland leedahay, iyagoona rasaas tiro badan ku furay.

Baabuurkaasi ayaa waxa la soo sheegaya in uu marayay xiligii Kooxdaasi rasaasta ku furayeen inta u dhaxeysa magaalada Borama iyo Dilla, iyadoona si rasmiya loo ogeyn cida la socotay baabuurkaasi.

Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey baabuurkaasi ayaa ahaa mid dowladeed, isla markaana watay taarikada baabuurta u gaarka ah Mas’uuliyiinta dowladda Somaliland.

Somaliland oo hogaanka uu u hayo Madaxweyne Muuse Biixi, oo iyadu walaac balaadhan ka qabta amni darada deegaanadaasi, ayaa waxay Boorama u dirtay Abaanduulaha Ciidamada, Gaashaanle sarre Cabdirisaaq Sicid Bulaale.

Abaanduulaha Ciidamada ayaa kulan deg deg ah la yeeshay gudida amaanka ee gobalka Awdal iyo qaar kamid ah salaadiinta goblka Awdal, wuxuuna si adag u sheegay in xukuumada Biixi aysan marnaba sii fiirsan karin xaaladaha amni darro ee ka soo cusboonaanaya deegaanada gobolka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada ay la qaateen guddida nabad-galayada ay ka warsugi doonana, isagoona xusay in dowladdu rajo fiican ka qabto wada-hadal u furma kooxdaasi jidgooyada u gashay.

“Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabad-galyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka, iyadoona dhacday dhacdadii foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed” ayuu yiri Abaanduuluhu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo, ka hordhici maayo wada-hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa”.

“Nabad-galyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha, kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa”.

Si kastaba, Falkaasi ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay deeganadaasi hoos yimaada gobolka Awdal ay ka jirto Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Biixi, sida aanu ku baahinay xogihii hore ee aanu idin soo bandhignay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama